camera_altFoto: Katarzyna Bialasiewicz
Soo bandhiga HivNorges
Haddii aad u baahan tahay talo sharci ama caawimaad si toos ah ula xiriirta ogaanshaha cudurka HIV-ka, HivNorge ayaa kaa caawin kara. Waxaan sidoo kale leenahay adeeg la-talin guud ah haddii aad qabtid su'aalo kale oo la xiriira HIV-ka.
HivNorge malaha baxnaanin wadahadal oo loogu talagalay qof kasta oo qaba HIV-ka ama uu saameeyo HIV-ku, ama isticmaala daawada PrEP. Iyadoo lala kaashanayo lalana shaqaynayo ururka Chemfriendly, waxaan sidoo kale u fidinaa dalab wadahadal ah dadka isticmaala (chemsexbrukere) iyo kuwa kale ee leexsan/gayda ah ee daroogada isticmaala. Haddii aan isla qiimeyno in aan u baahan nahay turjubaan, waan diyaarin doonnaa.
Intaa waxaa dheer, waxaan haynaa waxqabadyo badan oo loogu talagalay dadka la nool HIV-ka ama ay saameysay, kuwa isticmaala daawada PrEP iyo kuwa kale ee daneynaya. Raac jadwalkayaga iyo fursadaha aan bixino iyo waxqabadyadayada.
Haddii aad rabto inaad la hadasho qof kale oo la nool cudurka HIV-ka, waxaan leenahay dad xaaladadaada oo kale ku jira oo badan oo ku faraxsan wada sheekaysiga. Kuweena kale xaaladaas ku sugan waxay kaloo ku hadlaan luqado kala duwan.
HivNorge waxaa laga heli karaa taleefanka nambarkiisu yahay 21314580, ama emayl ama waxaa loo soo marin karaa bayjka.Facebook.
Les også
schedule06.01.2022
→ Tallaal covid-19 ammaan ah
Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.
schedule23.12.2021
→ Isbeddellada la kulanka dhakhtarka (konsultasjoner) ee Isbitaalka Ullevål
Dhibaatooyinka shaqaalaha yaraanta ee rugta bukaan-socodka cudurrada faafa ee Isbitaalka Jaamacadda Oslo ee Ullevål, ee keenay cudurka koranaha, la kulanka dhakhtarka (konsultasjoner) ee wakhtiga Christmas-ka oo dhan wuxuu u dhici doonaa qaab taleefoon. Dhammaan baarista dhiigga waa in loo qaadaa sida caadiga ah.