camera_altFoto: Shutterstock

HIV, xuquuqda, covid-19 iyo HivNorge

Hiv-ka ee Noorway 

Hiv-ka Noorway waa ururka kaliya ee bukaan socodka ah ee kajira dalka Norwey dadka qaba/la-nool HIV-ka. sidoo kale waa urur siyaasaded daneynaya qofkasta oo uu saameeyo HIVku, oo ay kujiraan dadka isticmaala PrEP = daawada HIV-ka  iyo dadka halista ugu jira caabuqa HIV-ga.  

Macluumaad dheeraad ah

Waa maxay HIV-ka 

HIV-gu waa fayras weerara habka difaaca jirka. Marka uu fayrasku galo jirka, difaacyada ayaa tartiib tartiib u burbura, jidhkuna wuxuu u nuglaanayaa caabuqyada iyo cudurrada, haddii aadan helin daawo taas joojiso. 

Macluumaad dheeraad ah

Wadooyinka cudurka iyo sidii aad iskaga difaaci lahayd 

Dadka la nool xanuunka HIV-ka, ee heley daawayn rasmi ah oo ku guulaystay baxnaaninta oo aan lahayn heerarka fayraska ee dhiiga ma qaadsiin karaan dadka kale ee HIV-ka leh. HIV-ka sidoo kale laguma qaado isdhexgalka bulshada, dhunkashada, is hab siinta, isla wadaagga koob, iwm. 

 HIV-ka waxaa badanaa lagu kala qaadaa galmada aan la iska ilaalin ee lala yeesho qof qaba HIV oo aan baxnaanin daawo ku jirin, dhiig shubis/bixin iyo hooyada ilaa ilmaha wakhtiga uurka, dhalashada iyo naas nuujinta.  

Waxaa jira dhowr siyaabood oo aad isaga difaaci karto HIV-ka: Macluumaad dheeraad ah

Baadhitaanka hiv-ka 

Sida kaliya ee lagu ogaan karo inaad qabtid cudurka HIV waa adigoo iska qaada badhitaan HIV.

Macluumaad dheeraad ah

Hadii tijaabdu tahay in lagaa heley 

Haddii lagaa helo cudurka HIV-ka, waxaa laguu gudbin doonaa qaybta la socoshada ee xanuunada caabuga oo lagu siin doono fursad baxnaanin. Dhammaan daaweynta la xiriirta HIV-ka ee Norwey waa lacag la’aan.  

Macluumaad dheeraad ah

Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?

Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.

Macluumaad dheeraad ah

Taageero maskaxeed iyo mid bulshoba 

HIV-ku waa xanuun loo arki karo in uu yahay cilad adag oo lala noolaado maxaa yeelay waxaa jira nacayb badan iyo aqoon yar oo ku saabsan xanuunka HIV-ka bulshada dhexdeeda. Sidaa darteed, waxay noqon doontaa muhiim inaad haysato qof ku siin kara taageero. 

Macluumaad dheeraad ah

Sharciyada 

Markaad la nooshahay HIV-ka, waxaa jira xoogaa xuquuq iyo waajibaadyo ah oo aad leedahay. Dhamaan daaweynta cudurka HIV-ka ee Norwey waa lacag la’aan oo aan laga goyn karin, sida uu qabo sharciga xakamaynta caabuqa oo leh xeerar. Marar dhawr ah, waxaad sidoo kale heli kartaa lacag celin kharashyada qaarkood ee dhakhtarka ilkaha ah. 

Macluumaad dheeraad ah

Caymiska  

Markaad caymiska qaadanayso, waxaa jira noocyo caymis ah oo kaaga baahan inaad bixiso macluumaad caafimaad. Kuwaas waxaa ka mid ah caymiska nolosha iyo caymiska naafada.  

Macluumaad dheeraad ah

Caymisyada kale 

Marka laga hadlayo muhiimada HIV-ka ee caymisyada kale, waa kiiska in la oggolyahay oo keliya in la codsado caddeyn caafimaad oo ku saabsan caymisyada oo si toos ah caafimaadka u saameeya. Taasi waa, caymiska halista dhimashada, caymiska halista naafada, caymiska daaweynta, caymiska caafimaadka, caymiska jirrada shaqada iyo caymiska jirada ee halista ah.  

Macluumaad dheeraad ah

Caymisyada safarka 

Marka laga hadlayo caymiska safarka iyo HIV-ka, waa caqli gal in la codsado wixii shaqaynaya. Haddii aad qabtid infekshinka HIV oo sifiican loo baxnaaniyay , lagana helayo la socosho fiican gudaha Norwey oo aad xasilloontahay bixitaankaaga, waxaad heli doontaa caymis ay ugu wacan tahay isbeddel degdeg ah oo lama filaanka ah ee cudurka HIVka. 

Macluumaad dheeraad ah

Soo bandhiga HivNorges  

Haddii aad u baahan tahay talo sharci ama caawimaad si toos ah ula xiriirta ogaanshaha cudurka HIV-ka, HivNorge ayaa kaa caawin kara. Waxaan sidoo kale leenahay adeeg la-talin guud ah haddii aad qabtid su’aalo kale oo la xiriira HIV-ka. 

HivNorge malaha baxnaanin wadahadal oo loogu talagalay qof kasta oo qaba HIV-ka ama uu saameeyo HIV-ku, ama isticmaala daawada PrEP. Iyadoo lala kaashanayo lalana shaqaynayo ururka Chemfriendly, waxaan sidoo kale u fidinaa dalab wadahadal ah dadka isticmaala (chemsexbrukere) iyo kuwa kale ee leexsan/gayda ah ee daroogada isticmaala. Haddii aan isla qiimeyno in aan u baahan nahay turjubaan, waan diyaarin doonnaa. 

Macluumaad dheeraad ah

Xagee baad ka heli kartaa taageero 

Norway gudaheeda, waxaa ka jira ururo dhowr ah oo adeegyo u fidiya dadka la nool cudurka HIV-ka. Hoos waxaad ka heli doontaa tusaalooyin. Meelahan oo dhan waxaad kula kulmi doontaa xirfadlayaal oo waxaad fursad u heli doontaa inaad kula xiriirto dadka kale ee la nool cudurka HIV-ka.

Macluumaad dheeraad ah

Hiv-ka iyo Covid-19 

Markaad la nooshahay HIV-ka, ma jirto halista sii kordheysa ee lagu qaado cudurka coronavirus ama aad ugu xanuunsato cudurka ‘Covid-19’. Haddii aad leedahay habdhis difaaca jirka oo hooseeya (tusaale hadii aad 200 ka hoosayso tirada CD4) iyo cudurro kale oo halista ah, waxaa laga yaabaa inaad ku jirto kuwa halista sare u ah cudurka Koroonaha. 

HivNorge waxay soo uruurisay warbixin kusaabsan HIV iyo covid-19 oo dhowr luqadood ku qoran.

Macluumaad dheeraad ah

Les også

schedule13.01.2023

→ Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?

Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.

schedule06.01.2022

→ Tallaal covid-19 ammaan ah

Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.