camera_altFoto: Andrea Piacquadio fra Pexels
Xagee baad ka heli kartaa taageero
Norway gudaheeda, waxaa ka jira ururo dhowr ah oo adeegyo u fidiya dadka la nool cudurka HIV-ka. Hoos waxaad ka heli doontaa tusaalooyin. Meelahan oo dhan waxaad kula kulmi doontaa xirfadlayaal oo waxaad fursad u heli doontaa inaad kula xiriirto dadka kale ee la nool cudurka HIV-ka.
Oslo: HivNorge og Aksept
Bergen: Leve med hiv, Kirkens bymisjon Bergen
Haugalandet: Leve med hiv Kirkens bymisjon Haugesund
Trondheim: Aksept og mestring, Kirkens bymisjon Trondheim
Kristiansand: Sørlandet sykehus, HIV-poliklinikken
Tromsø: UNN infeksjonsposten og Sosialmedisinsk senter i Tromsø
Intaas waxaa sii dheer, Zanzu.no waa goob ku saabsan warbixineedka, caafimaadka, caafimaadka galmada iyo HIV-ka, oo ku qoran luqado badan oo kala duwan.
Les også
schedule13.01.2023
→ Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?
Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.
schedule06.01.2022
→ Tallaal covid-19 ammaan ah
Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.